Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisal Wasaaraha dalka oo kulan muhiim ah la qaatay xubno ka tirsan beesha caalamka

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David William Concard,

Waxay kullankooda uga hadleen xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka  Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Concard   ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dhanka Dowladda wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xafiiskiisa isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday  Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen  horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub  iyo Soomaaliya  ee ku aadan  Dar-dar galinta mashaariicda horumarinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in gacantooda kusoo celiyo Gedo

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka qeyb galay caleemo saarka Paul Kagame (Sawirro)

Caydiid Ali

Wareegto ka soo baxday xafiiska Shariif Xasan oo lagu magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---