Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha heyadda Sirdoonka dowlada Sudan oo soo gaaray Muqdisho

Taliyaha sirdoonka dowlada Suudaan ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ayaa shaacisay in agaasimaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen uu maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo dhigiisa Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxa Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inay la socdan xubno ka tirsan sirdoonka dalka Qatar, waxaan saaka loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, qaarkood, waxayna kulamo la leeyihiin madaxda dowladda Somalia iyo saraakiisha NISA.

Warar soo baxaya ayaa  sheegeya in dowlada Qatar ay Sirdoonka Suudaan qandaraas ku siiyeen dib u dhiska iyo qalabeynta sirdoonka Soomaaliya, mashruucaas oo fulintiisa dhowaan la guda galayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

UK oo balan-qaadyo culus u sameysay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Boqor Charles oo laga helay cudur halis ah iyo shaqadii uu hayay oo hakad galinayo

Cabdi Cade

Waa kuma Janaraal Xamdan, ninka hoggaaminaya xoogagga Dacmu Sariic ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---