Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali laga soo daad-gureeyay Colaada Sudan oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo qaaday dalka Sudan , uu ka qarxay dagaal sokeeye oo u dhaxeeya ciidamada ugu awoodda badan dalkaasi.

Masuuliyiin katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay Muqdisho oo tiradooda gaareyso 18-qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaalo ay ku dooneyso in dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wali ku go’doonsan magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale oo katirsan dalka Sudan.

Soomaali badan oo horey uga qaxay colaada dalka Sudan ayaa horey u gaaray dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, waxaana wali jira Soomaali u badan arday oo ku go’doonsan gudaha dallka Sudan iyo xuduudaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad ka dhex aloosan Wasaarada amniga & Maamulka Gobolka Benaadir

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi & danjiraha Sacuudiga u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu yahay heshiiska cusub ee dowlada Soomaaliya dhowaan la galayso Kenya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---