Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo taageero balaaran loogu muujiyay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay isaga iyo xisbiga uu hoggaamiyo.

Munaasabadan ayaa sidoo kale loogu mahad-celinayay laguna dhiirogelinayay bulshada Gaalkacyo, Sidii wanaagsaneynd ee ay taageerada ugu muujiyeen urur Siyaasadeedka KAAH iyo Waxqabadka  Madaxweynuhu ku hoggaamiyey Puntland.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay bulshada Gaalkacyo shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen, sida isdiiwaangelinta, qaadashada Kaararka codka iyo ka qeybgalka Ololaha iyo isu soo baxyada doorashada.

Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto dimuquraadiyad, waxa uuna sheegay in shacabka Puntland ay codkooda ku ciil bixi doonaan ayna dooran doonaan ciddii ay u arkaan in ay hoggaamin karto.

Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheenaya in Puntland ka qabsoonto doorashada qof iyo cod, doorashadan ayaana waxaa kasoo horjeeda qaar kamid ah siyaasiyiinta waa weyn ee Puntland iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Xulka kubada cagta Soomaaliya

Cabdi Cade

Yaa bixiyay amarka laggu dhisaayay dhulka Biyaaso Liibaro,Taabit  mise Yuusuf  Jimcaale ? (Akhriso Dikreeto)

admin

Saciid Ciise: “Meelmarinta Isbedelka dastuurka dalka waa gobonimo Siyaasadeed”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---