Waan Waan Shuruud ku xiran tahay oo laga dhax bilaabay Farmaajo iyo Rooble !

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in waan waan shuruud ku xiran tahay laga dhax bilaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Rooble.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka C/weli Muudey iyo xubno kale oo dowlada katirsan ayaa la sheegay in waan waan lagu xalinayo khilaafka ka dhashay shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin ka dhax bilaabeen Farmaajo iyo Rooble.

Farmaajo ayaa la sheegay in uu ogolaaday in xiisada taagan lagu dhameeyo wadahadal si xaalka uusan meel xun u gaarin, waxa uuna sheegay masuuliyiintan dhax dhaxaadinta wada in uu diyaar u yahay in khilaafka si hoose loo xaliyo.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaaday in uu aqbalayo shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin balse shuruud uga dhigay in meesha laga saaro lana baabi’iyo kiiska maxkamada iyo in dacwad lagu soo oogo Fahad Yaasiin iyo xubno kale.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada  ayaa dhankiisa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha, waxa uuna wali ku adkeesanayaa in muhiim tahay in baaris lagu sameeyo kiiska dilka Ikraan Tahliil.

Waan waanta ay wadaan masuuliyiintan dowlada katirsan ayaan wali wax natiijo ah kasoo bixin, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo ku aadan khilaafkan taagan iyo wadahadalada socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -