Madaxweynaha cusub ee DDSI oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Jigjiga (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo kicitamay magaalada Addis Ababa ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Shacab fara badan iyo masuuliyiin ayaa kaga hortagay Madaxweynaha garoonka dayuuradaha magaalada Jigjiga, Waxaana amniga madaxweynaha sugayey ciidamada milateriga federaalka Itoobiya.

Ciidamadii Liyuu boolis ee taabacsanaa maamulkii hore ayaa lagala wareegay amaanka madaxtooyada Jigjiga, iyadoo lagu bedelay ciidamo milateri ah.

Dhinaca kale, Baarlamaanka maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ansixiyey Madaxweynaha cusub ee DDSi Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay ku ansixiyeen in xisbiga laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa guddiga fulinta iyo golaha dhexe.

Sidoo kale, Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Mustafa uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -