Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo Shaaciyay Go’aankiisa ku aadan Wadahadalka Jabhada OLA

Waxaa socda qaban qaabada wadahadal nabadeed oo ay isugu imaanayaan madax katirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo xubno katitsan hoggaanka jabhada Oromada ee loo yaqaan OLA.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in dalka Tanzaaniya ka furmo wadahadalka u dhaxeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo jabhada Oromada ee dagaalka ka wada qeybo kamid ah gobolada Oromiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa soo dhaweeyay wadahadalka dowladiisa la fureyso jabhada OLA, waxa uuna sheegay in shacabka Itoobiya u baahan yihiin nabbad ayna diyaar u yihiin in ay galaan wada xaajood.

“Wada xaajoodka Oneg Shene, ayaa maalin ka dib ka bilaabmi doona dalka Tansaaniya, dowladda iyo shacabka Itoobiya waxay aad ugu baahan yihiin geeddi-socodkan wada-xaajoodka, waxaan ka dalbanayaa dhammaan kooxaha inay qaybtooda ka qaataan wada hadalkan” ayuu yiri Abiy Axmed.

Jabhada OLA bayaan ay dhankooda soo saareen ayey ku shaaciyeen in ay diyaar u yihiin wadahadalka ,waxa ayna sheegtay jabhada in dowladda aqbashay shuruudo dhoor ah oo ay ku xirtay wadahadalka nabadeed ay la galayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo ka hadashay duqeyn Maanta ka dhacday gobolka Bari

Caydiid Ali

Donald Trump oo si yaab leh uga hadlay Wararka sheegaya in xilka laga qaadayo

Caydiid Ali

Dacwadii loo heystay Abuukar Samow & kooxdiisa oo go’aan laga gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---