Dacwadii loo heystay Abuukar Samow & kooxdiisa oo go’aan laga gaaray (Sawirro)

Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan cusub ka soo saartay dacwad loo heystay Saraakiil ka tirsanaa kastamka canshuuraha Dekada Muqdisho iyo ganacsade ka dib markii ay racfaan ka qaateen xukun ay horey ugu riday Maxkamada Gobolka Banaadir.

Maxkamada ayaa Saraakiil ka tirsan Dekadda Muqdisho iyo Ganacsade u xukuntay inay wax dambi ah galin kadib markii ay sheegtay in Xafiiska Xeer ilaalinta uu ku guul dareystay inuu Maxkamada horkeeno caddeymo ku filan Eedeymaha loo soo jeediyey.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa aqriyay Go’aaanka Maxkamadda.

Maxkamada ayaa 5-ta eedeysane amartay in xuriyadooda dib loogu celiyo Halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada 1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan.

Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin :Axmed Cabdullaahi Samow, G/lle Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geelle, Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaasoo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -