Dadka wata baasaboor Soomaaliga oo laga hor istaagay inay ka cararaan Sudan

Dagaalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay ka dib markii ay dhaqan geli weysay xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda.

War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Balse waxaa jirta Soomaali ku sugan Suudaan oo arday iyo shacab kale isugu jira kuwaas oo qaarkood ka soo qaxay magaalada khartuum markii uu dagaalka bilowday. Waxay hadda ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif.

Axmed Xasan Maxamed waxa uu ka mid ah yahay Soomaalidaas ka soo qaxay magaalada Khartuum kadib markii uu qarxay dagaalka Suudaan ee u dhaxeeya milatariga Sudan iyo xoogagga RSF.

Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka qadaarif oo ay ku xayiran yihiin.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da oo ay ah goorta ay ka soo baxeen magaalada Khartuum ayuu Axmed yiri:

“Waxaan magaalada khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka taas oo ku beegnayd Arbacadii la soo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya inagoo sii mareyna xadka Itoobiya balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif.”

Waxaa intaas ku daray in bilowgii ay ku soo baxeen labaatameeyo arday ah balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow-yihiin.

Maxay tahay Sababta ay ugu xayiran yihiin Qadaarif?

Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada kale sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka.

“Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana inooma ay sheegin, aniga ahaan baasaboorkeuyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa.”

“Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay hase yeeshee Saddexdaba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanayna ayaa meesha ku xayiran.”

BBC-da oo ay jawaab u raadineysa sheegashada Axmed oo u hadlayay ardayda iyo Soomaalida kale ee ku sugan Qadaarif ayaa waxaanu la xiriirnay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan….

Isagoo ka jawaabaya arrinkaas ayuu safiirka yiri: “Anaga waxaan ognahay oo bartilmaameed qaas ah oo qof Soomaalimada ama inuu wato baasaboor Soomaali ah lagu bartilmaameedsanayo ma jiro laakiin waxaan haynaa in lagu jiro xilli amarjansi ah oo ay imaan karaan caqabado gaar ah ama ha noqoto qof baasaboor ka dhacsan yahay ama ha noqoto qof baasaboorkiisa ka dhumay kuwaas oo aanu diyaar u nahay inaan xallino laakiin ma hayno macluumaad ah in Soomaalida si gaar ah loo bartilmaameedsanaya sababna ma jirto maxaa yeelay wax dambi oo gaar ah ma gelin qofka Soomaaliga.”

Dhanka kale Amed ayaa  sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan maaddaamaa xawilaad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena ka go’ay.

Xigasho: BBC

- Advertisement -