Gudoonka Labada Aqal oo Caawa ka Heshiiyay Khilaafkii u dhaxeeyay

Waxaa caawa magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Gudoonka Labada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulankan ayaana ahaa mid lagu soo afjarayay khilaaf mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhax taagnaa labada Aqal,

Gudoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaana caawa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka dhex jiray, waxa ayna si wadajir ah ugu dhawaaqeen in ay xal ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

Waxa ay ku heshiiyeen gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaalia in ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan ayna dardargeliaan howlaha shaqo ee  horyaala oo ay ugu horayso arimaha doorashooyinka sanadka 2020.

Heshiiskan ay caawa gaareen Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa la sheegay in uusan wax door ah ku laheyn Madaxweynaha Soomaaliya oo horey u balan qaaday in uu xalinayo khilaafka labada aqal.

Labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay aan laheyn wax wada shaqeyn ah, waxaana marar badan lagu guul dareestay in xal laga gaaro khilaafka Gudoonka labada aqal ka dhaxeeyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -