Allbanaadir.com
NEWS

In ka badan 120 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhaxe iyo MBC oo cafis loo fidiyay (Sawirro)

Maxaabis badan oo ku xirnaa labo xabsi oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta loo fidiyay cafis madaxweyne , waxaana maxaabiistan cafiska loo fidiyay ayaa la sheegay in ay galeen dambiyo fud fudud.

127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fadhiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa labada xabsi ee kuyaalla Muqdisho.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ee maanta lasii daayay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad, waxa ayna si weyn ugu mahadcelinayeen madaxweynaha Soomaaliya ee cafiska u fidiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Eng. Yariisow oo balan-qaad u sameeyey Adeegga gurmadka deg deg ah ee ambalaasta

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo awaamiir yaab leh ku soo rogay shacabkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---