Cabdikariin Guuleed oo Eedeymo ka difaacay Ra’isul Wasaare Rooble amaana u jeediyay

Midowga Musharaxiinta ayaa u muuqda kuwa aragti ahaan xiligan sii kala fogaanaya, waxaana musharaxiinta qaar si hoose ula safteen ayna difaacayaan Madaxda dowlada sida Ra’isul Wasaaraha.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul ugu eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble in uu ku fashilmay balan qaadyo uu sameeyay ay kamid aheyd in dalka ka hirgalinayo doorasho u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Eedeynta Musharax Warsame u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble waxaa durba ka fal celiyay Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo reer ahaan aad isugu dhaw yihiin Rooble kana difaacay eedeynta loo soo jeediyay.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in eedeynta doorashada uusan laheyn kaliya Ra’isul Wasaare Rooble, waxa uuna cadeeyay in eedda gaabsiga ku yimaada doorashada ay wada leeyihiin golaha Qadatashiga Qaran.

”Waxaan wada ognahay in masuuliyadda doorashada ay saaran tahay Golaha Watashiga Qaran guud ahaan, gaar ahaanna madaxda dowlad gobaleedyada iyo gudiyadooda oo ayagu la gaar ah masuuliyadda fulinta doorashooyinka. Haddii dhaliil iyo gaabis uu jirana runtii xagooda ayey jirtaa oo fartu ku godan tahay.” ayuu yiri Guuleed.

Musharax Guuleed ayaana ku amaanay Ra’isul Wasaare Rooble door uu sheegay in uu ka qaadanayo dardargalinta doorashooyin iyo habsami u qabsoomidooda intaba, waxa uuna ugu baaqay Roble in uu sii kordhiyo Dadaalkiisa.

”RW Maxamed Xuseen Rooble waa ku amaanan yahay dowrka shariifka ah ee uu ka qaadanayo dardargalinta doorashooyin iyo habsami u qabsoomidooda intaba. Waxaana laga doonayaa RW Rooble inuu sii laba laabo dadaaladiisa uu ku doonayo qabsoomidda doorasho hufun oo lagu kalsoonaan karo.” ayuu yiri Musharax Cabdikariin Guuleed.

Hadalka Musharax Guuleed ayaa sii iftiiminaya shaki horey looga qabay oo ahaa in xiriir dhaw la leeyahay Madaxda sare ee dowlada qaarkood sidoo kale ay jiraan balan qaadyo dhoor ah oo loo sameeyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -