Xildhibaan Shaaciyay arrin halisteeda leh oo ay ka shaqeenayaan kooxda Al Shabaab

Al Shabaab ayaa lumisay gacan ku heynta degmooyin iyo deegaanno badan oo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe kaga sugnaayeen, waxaana hadda socda abaabulka howlgalo kale oo la doonayo in Al Shabaab lagula dagaalamo.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab qorsheenayaan isku dirka beelaha Soomaaliyeed si ay dhaxdooda colaad uga abuuraan.

”Shabaab waxeey ka shaqeynayaan beelaha Soomaaliyeed ee dariska iyo walaalaha ah in ay colaad dhex dhigaan. Aad halooga feejignaado dadka fitno abuurka ah ee Shabaabowga ah” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa imaanaya xilli saakay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday goob ay Maxaas ka degnaayeen saraakiil iyo masuuliyiin kasoo jeeda Beesha Murusade oo halkaasi abaabul dagaal ka waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -