Ka farxi ALLE dartii, Aabe aan shaqeysan karin & qoyskiisa oo xaalad adag ku nool (Sawirro-Video)

Marxaladaha Nolosha Insaanka waxaa ugu qaalisan dhalinyaro-nimada oo ah xiliga ugu firfircoon ee uu qofka u shaqeysan karo, Maxaad u maleyneysaa xanuunka ay leedahay qof dhalinyaro ah oo aragiisii si fudud ku waayey?

Muumin Axmed Ciise waa Soomaali 40 sano jir ah, Indhoole ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxaana uu leeyahay Xaas iyo dhowr caruur ah oo yar yar.

Dhibanaha ayaa sheegay in 10 sano ka hor uu ahaa qof si caadi ah wax u arka oo qoyskiisa iyo caruurtiisa u shaqeeya, uuna rooti ku iibin jiray Suuqyada Muqdisho qaarkood.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in noloshiisa ay isbedeshay markii ay dilaacday ishiisa Midig oo uu ku shubay Daawo markii dambe la ogaaday iney khalad aheyd oo uu dhaqtar u soo qoray.

“Isha kale ee bidixda ah iyana waxaa dul-fuulay Caad sababay aragti la’aan, waxaan kala garan karaa oo kaliya mugdiga habeenkii iyo iftiinka maalintii wax kale ma arki karo” ayuu yiri Muumin.

“Meel madow ayaan soo fariistay, aniga iyo ciyaalkeygana waxaan ku nool nahay guri buush ah oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho reeraha deriska ayaa mararka qaarkood inoo keena cunto yar oo aan nafta ku ceshano, habeenada qaarkoodna qatooyo ayaan ku seexanaa waa qadar ALLE waana ku qanacsanahay” ayuu intaa ku daray Muumin.

Xaaska caruurta u dhashay Muumin ayaa iyana sanado ka hor naafo ka noqotay dhabarka ka dib markii uu ku dhacay Cudurka TB-da ee haleesha lafaha.

Isagoo joogay hoyga ay ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisa waxaa uu sheegay Muumin inuu jeclaan lahaa mar labaad inuu arko isagoo caruurtiisa u shaqeysanaya ishiisa bidix arageedana dib u helay.

“Waxaan ka codsanayaa walaalahey muslimiinta ah ee caalamka ku nool inta awoodi karta, sida ganacsatada, muxsiniinta, Jaaliyadaha dibeda iyo inta ILAAHAY wax siiyey iney ALLE dartii wax iigu qabtaan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Muumin oo wejigiisa ay ka muuqatay murugo  badan.

Haddii aad dooneyso inaad ILLAAHAY dartii u caawiso dhibane Muumin Axmed Ciise kala xiriir toos telefankan oo sidoo kale leh Whatsapp 0615406674 Muqdisho, Somalia

HOOS KA DAAWO MUUMIN OO KA HADLAYA DHIBAATADA KU DHACDAY..



Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -