Maxaa ka jira Wararka sheegaya in kooxda Wagner qeyb ka yihiin dagaalka Sudan

Dalka Sudan waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo ciidamada gurmadka degdega ee loo yaqaan SRF, waxaana ciidankan kala hoggaaminaya labada hoggaamiye ee ugu sareeya dowladda katalisa Sudan.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in dagaalka ka socda magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan ay qeyb ka yihiin kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee loo yaqaan Wagner Group.

Madaxa kooxda Wagner , Yevgeny Prigozhin ayaa beeniyay in ciidamo milatari ah oo katirsan kooxdooda qeyb ka yihiin dagaalka Sudan, waxa uuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay in kooxdooda ay taageereyso ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga .

“Waxaan kuu sheegi karaa hubaal buuxa, oo sax ah, maanta, ma jirto wax katirsan shirkadda milatariga ee gaarka loo leeyahay (PMC) Wagner oo qeyb ka ah dagaalka Sudan” ayuu yiri Yevgeny Prigozhin .

Kooxdan milatariga calooshood u shaqeestayaasha ah ayaa ka dagaalamay waddamo ay ku jiraan dalka Liibiya, waxaana kooxdan lacago ku qaataan dagaalada ay ka qeyb qaataan iyo howlgalo gaar ah oo laga codsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -