Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay Magaalada Gaalkacyo

Dab ka kacay koonfurta magaalada Gaalkacayo habeenimadii xalay ayaa la soo sheegayaa inay ku burburtay hanti ay ku jiraan dukaamo iyo guryo.

Dabka ayaa ka bilowday goob shidaal, isagoo ka dibna ku fiday dhismayaal kale welina si cad looma oga sababta kicisay dabkaasi.

Dhinaca kale, daminta dabka ayaa waxaa iska kaashaday labada maamul ee magaalada ka jira, kuwaasoo kala hoos taga Puntland iyo Galmudug.

Maamulka Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa waayey wax ay ku damiyaan dabka, balse waxaa markii dambe uu gurmad uga yimid Maamulka Gaalkacyo dhinaca Puntland, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay iney demiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday guriga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan

Cabdi Cade

Xaashi Cumar oo iska diiday 3-Malyan Euro oo Magdhaw ahaan loogu xukumay

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalka Garoowe iyo Khasaaraha nafeed ee ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---