Natiijada baaritaanka da’da ee la mariyey xulka 17 jirada ee ku sii jeeda Algeria (Sawirro)

Ciyaartoyda 17-Jirada Xulka Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Itoobiya halkaas oo ay tababar adag ku qaadanayaan ka hor safarkooda Algeria halkaas oo ay uga qeybgalayaan koobka AFCON U17.

Bulshada Soomaalida waxey si weyn walaac uga qabeen tijaabada (MRI-da) ee da’da taasoo ay waajib tahay iney ciyaartoyda maraan.

30 Ciyaartoy ayaa ku sugan Addis Ababa, waxaana liiska kama dambeysta ah kusoo bixi doona 22 xiddig oo u safri doona Algeria sida aan xog ku helay, waxaana si rasmi ah ugu dhawaaqi doona Macalin Nuur Amiin 24-ka saac ee soo socota.

In ka badan 4 ciyaartoy ayaa ku dhacay tijaabada (MRI-da) hubinta da’da, waxaana ku jira qaar ka mid ah xiddigahii ku guuleystay koobkii Bariga & Bartamaha Afrika ee dhacay sanadkii hore.

Magacyada waaweyn ee xulka ku jira, muraayadana u ah kooxda wey gudbeen wajiga koowaad ee tijaabada hubinta da’da, balse waxaa sugaya wajiga labaad ee lagu mari doono Algeris.

Xiddigaha aan loo xulan dhacdada (Algeria) ee ku dhacay MRI-da ama kusoo bixi waayay xulashada macalinka waxaa la filayaa iney dib ugu soo laaban doonaan dalka ka hor inta aysan ciyaartoyda kale u safrin Algeria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -