Oday iyo wiil 12 jir ah oo la dilay iyo Al-Shabaab oo lagu eedeeyey

Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta laba qof oo rayid ah ku dilay degaanka Maareeyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa nin oday ah oo khudaar geyn jiray magaalada Xudur. Ninkan ayaa la dilay isaga oo saaran mooto bajaaj uu ku tagi jiray Xudur. Qofka kale ee la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa.

Lama oga sababta loo dilay ninka khudaarta ka ganacsanayay iyo wiilka yar laakin qaar kamid ah ehelada dhibanayaasha ayaa dilkaani ku eedeeyay kooxda Al Shabaab.

Magaalada Xudur waxay kamid tahay magaalooyinka ay go’doomiyeen kooxda Al Shabab.

Al Shabaab ayaa hadda ka hor gubay gaadiid xamuul oo badeeco kala duwan u waday dadka ku nool magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Sidoo kale waxay horay u dileen ganacsato raashin geyn jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -