Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo Wiil oo Walaalo ah oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgooska Ex-control Afgooye iyo xaafada Xoosh waxa ay ku dileen labo wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in ay wada dhasheen.

Goobjooge ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxo biskoolado ku hubeesan ay dileen labo nin oo walaalo ah xili ay wada socdeen, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada wiil ee la dilay mid kamid ah uu ahaa askari katirsanaa ciidanka dowlada halka kan kalana uu ahaa shacab, waxaana xiliga dilku dhacayay u socday guri uu degan yahay mid kamid ah walaalaha la dilay.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilku caawa  ka dhacay, waxa ayna ciidamada goobtaasi ka qaadeen meydadka wiilasha la dilay si loogu sameeyo baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Muuse Xaaji (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo digniin adag u dirtay Shacabka jooga goobaha ay Al Shabaab maamulaan

Cabdi Cade

Dayuurad hawada ku jirtay oo deg deg loo dejiyey Sabab yaab leh awgeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---