Madaxda Maamul goboleedyada ku kacsan DF oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa isugu tegaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku yeelan doonaan shir ay uga horjeedaan dowladda Federaalka kuna taageerayaan qaraarkii Golaha Ammaanka Q/Midoobay ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle ay ku sugan yihiin dalka Kenya, waxaana ku sii jeeda Madaxweynaha Puntland oo ka tegaya Imaaraadka iyo Madaxweynaha Galmudug oo maanta ama beri la filayo inuu u dhoofo magaalada Nairobi.

Ujeedada shirka Nairobi ee madaxda maamul Goboleedyada ayaa ah sidii ay ula kulmi lahaayeen Wakiilada Beesha caalamka, iyagoo gaarsiinaya go’aankooda ah inay hakiyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo soo dhoweynta Qaraarkii Golaha Amniga ee arrimaha Soomaaliya, waxaana codsigooda ka mida sidii Qorshe kala guur ah loogu sameyn lahaa Soomaaliya sanadka 2020-ka.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa hore u soo saaray inay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyn ee dowladda Federaalka, waxaana shirka ka maqan madaxweynaha K/Galbeed oo gacan saar la leh dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweynaha Hirshabelle oo horey heshiis ula galay dowlada uu haatan u muuqdo inuu ka baxay heshiiskaas.

Shirka madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ku yeelanayaan Nairobi ayaa ku soo beegmaya xili uu sii xumaayo xiriirka dowladaha Kenya iyo Somalia ayna Kenya u sacabo tumeyso shirarka ay dalkeeda ku qabsanayaan hogaamiyeyaasha mucaaradsan dowlada Somalia

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaan weligood soo hadal-qaadin badda ay leedahay Somalia ee Kenya sheeganeyso, waxayna u muuqdaan in danahooda gaarka ah oo kaliya ay ka hadlaan, iyadoo arinta badda lagu koobayoo kaliya Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -