Siyaasi Caan ah oo shaaciyay in Ciidanka booliiska hayeen Xogta weerarkii xalay dhacay

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada booliiska hayeen xogta weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday Makhaayada Luul Yemani ee ku dhegan dekadda Muqdisho.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in ciidamada ku guul dareesteen in ay ka hortagaan weerarkan ay xogtiisa hayeen , waxa uuna xusay in weerarka xalay dhacay dad badan naftooda ku waayeen.

”Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah.” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir in ciidankii loogu tala galay in ay sugaan amaanka kana hortagaan qaraxyada loo adeegsaday sidii jidadka Muqdisho uga xiri lahaayeen dad doonayay in ay dhigaan banaan bax nabadeed.

”Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan.” ayuu yiri Hogaamiyaha Wadajir.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan taliska booliiska ayaan wax war ah kasoo saarin xogtan la shaaciyay in ay sii hayeen booliiska kahor inta uusan dhicin weerarkii dhiiga badan ku daatay ee xalay lagu qaaday Makhaayada Luul Yameni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -