Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamse oo guddoomiyey shir looga hadlay arrin xasaasi ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Al-shabaab laga xoreeyey.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda DanQaran ee xasillinta deegaannada la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adeegyadii guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ka jiray.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada al-shabaab laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo  wixii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey Saddex Hindise sharciyeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciro oo xilal u Magacaabay Masuuliyiin fara badan (Magacyada)

Caydiid Ali

Nin kufsi u geestay Meydadka Haween badan oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---