Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Rag hubeysan oo Haweeney ku dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu dilay Haweeney ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday

Dilkan ayaa ka dhacay Waaxda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile, waxaana gabadhan oo magaceeda lagu sheegay  Shugri Cali Mahadalle lagu hor dilay gurigeeda sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeneydan ay ka mid aheyd haweenka talaalka wareejiya xaafadaha iyo guryaha, lamana oga ilaa hadda sababta rasmiga ahee loo dilay.

Maamulka Degmada dayniile iyo laamaha amaanka DF ayaan ka hadlin weerarkan lagu dilay haweeneydan, mana jirto cid sheegatay inkastoo falalka noocan ah looga bartay Al-Shabaab.

 

Related posts

Al Bashiir oo mudo kadib Muuqaalkiisa la arkay iyo Dacwado lagu soo oogay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhaqaatiir dil & dhaawac loogu geystay xarun Caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo

Caydiid Ali

Dagaalo qaraar oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Xoogaga Xamaas oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---