Al Bashiir oo mudo kadib Muuqaalkiisa la arkay iyo Dacwado lagu soo oogay (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa markii ugu horeesay la arkay Muuqaalkiisa tan iyo waxii ka dambeeyay markii Milatariga Sudan xilka xoog uga tuureen.

Al Bashiir ayaa laga soo saaray xabsi gaar ah uu uga xirnaa magaalada Khartuum waxaana la geeyay xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Sudan oo dhowr dacwadood kusoo oogay Madaxweynaha xilka laga tuuray.

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa markii la geenayay xafiiska dacwad oogaha Muuqaaladana laga qaadayay xirnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ay caanka ku yihiin dadka Sudan.

Xafiiska Dacwad oogaha Sudan ayaa Madaxweynaha hada maxbuuska ah kusoo oogay dacwado dhoor ah, waxaana dacwadaha loo heesto qeyb ka ah halka uu ka keenay lacago ada u badan oo laga helay gurigiisa markii xilka laga tuuray.

Cumar Al Bashiir ayaa la sheegay in markii loo sii waday xafiiska dacwad oogaha uu qoslayay lana sheekaysanayay ciidamada ilaalada ka heysay, hasa ahaatee daqiiqado kadib markii la soo celiyay ayaa wajigiisa laga dareemayay caro xoogan.

Madaxweyne Al Bashiir oo dhawaan xilka xoog looga tuuray ayaa hada wajahaya dacwado badan oo loo heesto, waxaana suurto gal ah hadii lagu helo dambiyada lagu soo eedeeay in uu muteesto sanado xabsi ah.

- Advertisement -