Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo mar kale Maxkamad lasoo taagayo (Akhriso Warqad Cadeyn)

Maxkamada Racfaan gobolka Banaadir ayaa mar kale dib usoo celisay kiiska dambiyada Xeer ilaalinta Qaranka kusoo eedeeyeen Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhawaan Maxkamada gobolka Banaadir dambi ku weysay.

Warqad kasoo baxday Gudomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim ayaa lagu wargaliyay Qareenada Siyaasiga C/Raxmana C/shakuur in dib loo soo celiyay kiiska dacwadaha loo heesto.

Maxkamada Racfaan Gobolka Banaadir ayaana mudeesay dhageysiga Dacwada loo heesto C/Raxmaan C/shakuur oo dhaceysa 27-bishan oo ku beegan maalin arbaco ah, waxaana xeer ilaalinta Qaranka lagu wargaliyay in ay kasoo qeyb galaan dhageysiga dacwadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo loo ansixiyay muddo kadib dhaqaale looga jawaabayo COVID-19 & Warar kale

Caydiid Ali

Qoorqoor & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 36 nin oo ajnabi ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---