Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsade caan ah oo caawa lagu toogtay degaan ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa ganacsade caan ah ku dilay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

ILAAHAY ha u naxariistee marxuum Cabdi Sheekeeye ayaa isla goobta lagu toogtay ku dhintay ka dib markii ay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Marxuum Cabdi Sheekeeye ayaa la sheegay inuu ganacsade caan ah iyo dalaal kala iibiya guryaha,

Wararka qaar ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidmada Dowladda ay u dileen Telefon ay ka dhacayeen isagoo ka soo baxay Masaajidka Mubarak.

Ciidamada Ammaanka DF oo daqiiqado ka dib gaaray goobta marxuumka lagu dilay ayaa sameeyey baaritaano aan la ogeyn natiijada ka soo baxday, iyadoo ay goor horeba baxsadeen raggii dilka geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidii Yeyda nalaku soo yaacyee War Soomaaliyeey yur meyska Dhahnaa !!

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo arrin soo korortay kala hadlay guddiga farsamada shirka Baydhabo

Caydiid Ali

Madaxweyne Caan ah oo hurdo ka doorbiday in uu ka qeyb galo Shirar caalami ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---