Daawo Sawirada: Dib u dhis ku socda xarunta Wasaarada Lacagta iyo Wasiir Beyle oo Kormeeray

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cabdiraxman Ducaale Beyleh ayaa maanta soo kormeeray dhismaha xaruntii Wasaarada Lacagta oo dib u dhis ay ku socoto.

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa dib u dhis ku sameeneysa dhismaha Wasaaradii lacagta, waxaana dib u dhiska xaruntaasi lagu sameenayo hada mareysaa heer gabo gabo ah.

Dr Cabdiraxman Ducaale Beyleh ayaa ka codsaday Injineerada iyo shaqaalaha kale ee dib u dhiska ku sameenaya xaruntan in ay dadejiyaan si dhismahan loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qaar badan oo kamid ah xarumihii Wasaaradaha dowlada Soomaaliya ayaa wali bur bursan halka qaar kalana dib u dhis lagu sameeyay kuna shaqeeyaan hada Wasaaradihii xarumahaasi iska lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -