Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Ergey uu Magacaabay Xassan Shiikh oo shaqadii loo diray bilaabay

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida  arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.

Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas.

Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay.

Related posts

Al Shabaab oo sheegtay in xalay dileen 15-askari oo katirsan ciidamada AMISOM

Cabdi Cade

Diyaaradaha Dronka oo laga mamnuucay in ay usoo dhawaan Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

NISA oo ka hadashay howlgal lagu laayey Shabaab badan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---