Allbanaadir.com
NEWS

Diyaaradaha Dronka oo laga mamnuucay in ay usoo dhawaan Garoonka Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mamnuucday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kusoo dhawaadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drons-ka.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn garoonka Aadan Cadde usoo dhawaadaan masaafo dhan 9 niyuutikaal mile oo dhan walba ah.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed lagu sheegay in diyaaradaha fasaxa ka haystay ha’adda duulista kaliya ay adeegsan karaan garoonka, balse mamnuuc yihiin kuwa aan fasaxa heysan.

Go’aankan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan cabsi laga qabo in kooxda Al Shabaab garonka Aadan Cadde ku weerarto diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay dibad baxyadii rabshadaha watay iyo Weerarkii Beerta Uhuro

Cabdi Cade

27 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Beerta Sheekhow

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka hor yimid qaraar kale oo xabad joojin looga hirgelinayo Gaza

Caydiid Ali