Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Daah-furka TRT World (Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta qaaradda Afrika.

Laantan cusub oo la yiraahdo TRT AFRIKA ayaa la hadli doonta ilaa 400 milyan oo daawadeyaal oo ku dhaqan qaaradda Africa iyo dalalka dibedda, waxaana barnaamijyada ka bixi doona ay isugu jiraan arrimaha siyaasadda, ganacsiga, fanka, dhaqanka, sayniska iyo tiknoloojiyadda, dhalinyarad iyo isboortiga.

Aasaasidda laantan cusub ee digitalka ee TRT AFRIKA ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya waddamada Afrika iyo dalka Turkiga.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ka faaā€™ideysan doona barnaamijyada iyo wararka ay TRT AFRIKA u tebin doonto qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale isla munaasabadaas kaga qeybgaley Shirweynihii 1aad ee Ururka Warbaahinta Midowga Afrika iyo TRT kaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta warbaahinta Afrika iyo TRT.

Waxaa sidoo kale Wasiirka uu ka qeybgaley kulan lagu falanqeynayey xiriirka Afrika iyo Turkiga iyo doorka warbaahinta ka qaadan karto iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daud Aweis oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in xiriirka Afrika iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, salna uu u yahay wax wadaqabsi iyo wadashaqeyn ay labada dhinac ka faaā€™ideysan karaan, isagoo dhanka kalena faahfaahin ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka uu ku tallaabsadey 12kii sanno ee la soo dhaafey.

Waxaa uu Wasiirka intaa ku darey in ilaa 38 dal oo Afrikan ah ay safaarado ku leeyihiin Turkiga, halka Turkigana uu ilaa 44 safaaradood ku leeyaha qaaradda Afrika, taasna ay ka tarjumeyso muhimadda xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -