Maxaa C/raxmaan C/shakuur looga joojiyey inuu ka khudbeeyo Xaflada caleemo saarka?

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garowe khudbadaha xafladda caleemo saarka ayaa laga reebay siyaasiyiin uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxtooyada Soomaaliya ay dalbatay inaan wax khudbad ah la siin siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, taasoo shardi looga dhigay khudbad uu jeediyo Madaxweyne Farmaajo, arintaasna waxay keentay in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu u yeero siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, isagoo ka codsaday inuu ogolaado inaan wax khudbad ah laga siin xafladda caawa ee caleemo saarkiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ogolaaday codsiga Madaxweyne Deni, isagoo goobjoog ahaan uga qeybgeli doona, waxaana dhinaca kale madaxweyne Deni uu ka codsaday madaxda maamul Goboleedyada inaysan soo hadal qaadin khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo madaxweyne Farmaajo.

Khudbadaha caawa ayaa ku koobnaan doona xafladda caleemo saarka iyo soo dhoweynta madaxweynaha cusub ee Siciid C/llaahi Deni, iyadoo wararku sheegayaan in madaxda Puntland ay dhibaato badan ka qabsatay sidii ay wada qancin lahaayeen siyaasiyiinta isdiidan ee ay wada casuumeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -