Xaaf oo markiisa hadalo kulul ku weeraray Madaxweyne Farmaajo & dowladiisa

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo xalay ka qayb galay kulan ay soo agaasimeen Jaaliyadda degaanada Galmudug  ee ku nool magaalada Nairobi ayaa ka waramay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo ku aadanaa in Madaxwaynaha Galmudug uu diiday daawada xalka u noqon karta Galmudug.

Isaga oo ka jawaabayay arrintaas ayuu isaguna dhankiisa yiri ” Cudurku waa Virus iiga yimid dhanka Madaxwaynaha” waa sii hadloo waxaa uu intaas ku daray dawladii waa fashilantay ee Galmudug hatashato.

Xaaf ayaa walaac ka muuniyay in dowladda Soomaaliya ay ku socoto Wadadii burburka ayna taas masuul ka yihiin madaxda hadda xilka heysa oo uu sheegay iney dalka ku hogaaminayaan jiho aan sax aheyn.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan weydiistay Hub aan Al-shabaab kula dagaalano balse waxaa uu iigu jawaabay “Ma Caabudwaaq ayaad ku weerari rabtaa” ayuu yiri Xaaf oo arintaas ku tilmaamay mid  lala yaabo oo nasiib daro ah.

Sidoo kale Madaxwayne Xaaf ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay dhibaatooyin ka wadaan degaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isagoo dowlada ugu baaqay iney joojiso fara gelinta qaawan ee ay ku heyso dowlad goboleedyada dalka.

Bartamihii sanadkii hore 2018 ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay dayuurad siday Hub iyo saanad ciidan ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana hubkaas loogu tala galay Ciidamada Galmudug iyo dadka deegaanka oo xilligaas Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -