Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Magaalo ku taalla dalka Rwanda oo laga qaxayo & Sababta ka dambeysa

Dadka ku nool magaalada Gisenye ee galbeedka dalka Rwanda ayaa guryahooda ka barakacaya xilli ay sii xoogeysanayaan astaamaha muujinaya dhul gariirka ka dhasha folkaanada.

Arrintan ayaa daba socotay qaraxii Sabtidii ka dhashay Buurta Nyiragongo ee ku taalla waddanka dariska la ah ee Jamhuuriyadda Dimiqraaddiga ah ee Congo.

Waaxda kormeerka arrimaha cimilada ee Rwanda ayaa soo tabisay in dhul gariirka nooca ka dhasha folkaanada laga dareemay dalkaas Talaadadii iyo Subaxnimadii Arbacada ee maanta.

Mas’uuliyiinta ayaa dadka ka codsaday inay is dajiyaan, iyagoo sheegay inay qiimeyn wadaan isla markaana caawin doonaan dadka khatarta ku jira kaddib markii ay guryo badan burbureen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Magaalo laga mamnuucay cunista Hilibka Eeyaha iyo bisadaha iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

ECOWAS oo ku gacan seyrtay arrin ay soo jeediyeen Milateriga qabsaday xukunka Niger

Caydiid Ali

Haween caruur u dhalay Dagaalyahanada Daacish ee dalka Ciraaq oo Somalia la keenayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---