Dowlada Somalia oo soo saartay digniin ku wajahan qaar ka mid ah gobolada dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobabka xiliga gu’ga ee ka curtay qeybo ka mid ah dalka.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Xarunteeda ka digista Halis-wadareedka  oo digniin iyo talabixinba siineysa bulshada Soomaaliyeed si ay uga taxadaraan khataraha uga imaankara daadad ama fatahaado ka dhalankara roobka xilliga Gu’ga oo ka curtay qeybo kamid ah dalka.

SoDMA ayaa sheegtay in inkastoo  la saadaalinayo inay roobabkaasi noqonayaan kuwo xaddi ahaan ka hooseeyn doona intii xilliga Gu’ga la heli jiray, haddana waxay sheegtay inaan meesha laga saari karin khasaarooyin ka dhasha daadadka roobabkan

HOOS KA AKHRISO JAANTUSKA ROOBABKA LA FILAYO IYO DIGNIINAHA LAGA BIXIYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -