Gaadiidkii Imaaraadku ku wareejiyey Maamulka Jubbaland oo Su’aalo laga keenay

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali, kana tirsan xubnaha sida weyn u taageersan madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo ayaa su’aal ka keenay gaadiid fara badan oo dowlada Imaaraadku ugu deeqday maamulka Jubaland, kuwaasoo ah nooca dagaalka.

Cali Yare Cali oo sidoo kale ka mid ah mucaaradka dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa isweydiiyey sababta ay dowlada imaaraadka keligeed fara gelinta ugu heyso arrimaha Somalia si ka duwan dalalka kale ee carbeed.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU BOGGIISA FACEBOOK KU BAAHIYEY CALI  YARE.

Sawirka koowaad (HOOSO magaalo xeebeed Liibiya ku taalla ayaa laga qaaday sannadkii 2015 waana Imaaraadka carabta oo gaadiidkaas u dajiyay Jeneral Haftar oo ahaa Jeneral dhiigyacab ah waana la ogaa taariikhdii madoobeyd ee dhacday.

Labada sawir ee danbe oo idiin muuqanaya waa isla dowladdii Imaaraatka oo Kismaanyo ka soo dajisay isla agabkii waxgalkii Libya lagu laayay mid lamid ah.

Markasta waxaan kaligeey is waydiiyaa maxaan loo arag Sucuudiyaan, Qadariyiin, Turki, Masaari leh xeryo iyo ciidamo iyaga u shaqeeya oo Somali gudaheeda ka dhex fuliya danaha qarankooda loo arag oo loo arkaa uun Imaaraat kaligiis dhulka ciidamo ku beeraya gaar ahaan dhulka xeebaha ah, sida Berbera, Boosaaso iyo Kismaanyo?

Mase jiraa hal dal oo caalamka ku yaalla oo ay dowladda Imaaraatka wax tartay oo uu qofkiinna maanta halkaan bulshada kula wadaagi karo gaar ahaan dalalkii ay gashay? Tusaale, Liibiya, Yemen ama dalkeenna?

Haddii ay Ummadda Soomaaliyeed u fekeri laheyd maskax xor ka ah siyaasaddaha isdiidan ee siyaasiyiinta, oo ay garan laheyd musiibada iyo qulqulka dhiigga shacabka, Madaxda, Ganacsatada, indheergaradka, Culumada, dhallinyarada haldoorka ah ee qaarkood maanta qoraalkaan aqrinaya oo ay geeridooda sababi doonaan gaadiidkaan Kismaanyo laga dajiyay midkeenna maanta si astareex leh hurdo uma ladeen ( Dadka aan ka hadlayo waxaa kamid ah qaar dadkale-iskatiirin darteed maanta iska tiraya mugdiga muuqda).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -