Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay saraakiisha qaybta 6-aad ee ciidanka ATMIS?

Madaxweynaha  Dowladda Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS qayb 6-aad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka ATMIS qeybta 6–aad shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen intii ay joogeen degaanada Jubaland.

Kaalintii ay ka qaateen la dagaalanka argagaxisada iyo keenidda xoggahooda ayaa lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf uu ugu tala galay Madaxweynaha Jubaland.

Ciidanka ATMIS qeybtooda 6-aad ee ka howlgalayey Jubbaland ayaa soo gabagaboobay shaqooyinkoodii aheyd la dagaalanka Al-shabaab taasoo qayb ka ah qorshaha guud ee lagu dhimayo ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciidul-Fitriga

Caydiid Ali

Qoorqoor oo Gudoomiye cusub u Magacaabay Maamulka gobolka Mudug (Akhriso)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Saddex geesoodka ah ee ka furmaya Asmara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---