Ciyaartoyda Sooman ee ka ciyaara horyaalka Ingiriiska oo la siinayo fursad ay ku afuraan

Guddiga garsoorayaasha ayaa madaxda horyaalka Premier League iyo xiriirka kubbadda cagta Ingriiska u gudbiyay in garsooreyaashu si ku meel gaar ah ay u joojin doonaan ciyaarta, si ciyaartoyda sooman ay u afuraan inata lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Garooreyaasha ayaa la siiyay tilmaamo ah in ciyaartooyda muslimiinta ah ay qaadan doonaan wakhti kooban oo ay ku afuraan, waxaana garooreyaasha loo sheegay inay diiwaangeliyaan ciyaartooyda soomman kahor inta aysan ciyaartu billaaban.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante iyo garabka Manchester City Riyad Mahrez ayaa ka mid ah ciyaartoyda la filayo inay afuraan inta ay socoto ciyaartu.

Ciyaar dhexmartay Leicester City iyo Crystal Palace Sanadkii 2021 ayaa waxaa hakiyay garsoore Graham Scott, si ay u afuraan Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -