Kumuu ahaa wiilka uu dhalay Xassan Shiikh ee kala soo muuqday furinta dagaalka?

Baraha bulshada ee Soomaalida ayaa si weyn loogu shaaciyay sawir wiil dhallinyaro ah oo albaabka gaariga ka furayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyadoo aragtiyo kala duwan laga bixinayo.

Sawirka ayaa la sheegay in uu yahay wiil uu dhalay madaxweynaha laguna magacaabo Cabdifitaax Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf al-Caddaalada oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in qofka la socda madaxweynaha uu yahay wiilka uu dhalay.

Haddaba waa kuma Cabdifitaax?

Wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xogta ilaa iyo haatan aan ka heleyno waxa ay muujineysaa in hore uu ugu noolaa dalka Turkiga halkaas oo uu ka shaqeynayay mid k amid ah xawaalada Soomaalida.

Dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdifitaax uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda maadaama uu soo muuqday isaga oo ku labisan direyska ciidamada dowladda, wararka aan ka heleyno xogta la xiriirta wiilka madaxweynaha ayaa sheegeysa in uusan ahayn askari ka tirsan dowladda balse haatan uu kusoo laabtay dalka si uu u garab istaago madaxweynaha Soomaaliya ahna aabbihiis Xasan Sheikh Maxamuud oo haatan ku sugan deegaanka Adan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu ka socdo gebo gabada wajiga koowaad ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab.

Ma sax baa in xubno ka tirsan qoyska madaxweynaha ay ka mid noqdaan ilaalada gaarka ah?

Cabdifitaax Xasan Sheikh ayaa sawirrada la baahiyay waxa ay muujinayaan isaga oo albaabka gaariga ka furaya madaxweynaha, waxaase xusid mudan in uusan kamid ahayn ciidamada dowladda amaba uusan heysan tababar ciidan taasi oo loo qaadan karo in khaladaad uu ku yimaado habka ilaalinta amniga madaxweynaha xilli uu ku sugan yahay furimaha dagaalka.

Axmed Kaboole oo ku takhasusay arrimaha amniga kana fallooda oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Amniga madaxweynaha waa arrin khaas ah oo loo xil saaray dad heysta tababar khaas ah, waa dad la hubiyay noloshoodii hore, waa dad la hubiyay caafimaadkooda iyo sidoo kale in ay ka madax bannaan yihiin kooxo ama shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha si loo aamino madaxweynuhuna isugu halleyn karo sababtoo ah waa dadka ugu dhow ee noloshiisa ilaalinaya ilaahay ka sokoow”

Kaboole sii faah faahinaya baratakool ahaan in madaxweynuhu uu ilaalin karo wiilkiisa oo aan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee u tababaran ayaa yiri, “qof aan kamid ahayn ciidamadaas in lagu aamino waxa ay u baahantahay nidaam gaar ah, haddii ay jirto baahi waa loo qaadan karaa, haddii loo eego dalalka caalamka, madaxweynaha Turkiga waxaa ilaaliya wiilkiisa oo waliba uu uga kalsooni badanyahay ciidamada kale, wax dhib ah kuma laha in madaxweynuhu uu ilaaliyo wiilkiisa, waxa uuna kamid yahay dadka ugu dhow ee madxweynuhu uu amnigiisa ku aamini karo”.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wararka la xiriira amnigiisa xilli uu la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa yiri, “Sidaan oo kale ayaan idiin garab taaganahay kaligiin dagaal idiinma direyno oo waan idinla soconnaa, xafiisyo qaboojiye yaal leh intaan fariisanno kaligiin idinsoo diri meyno, maalin walba inta la’idiin sheego oo kale ayaa la ii sheegaa, baabuur qarax ah ayaa jidka kuugu jiro, waa lagu sumeyn rabaa, diyaaradaha helicopter-ka ee aad saarantahay waa lasoo ridaa, ha isku bixin, ha yeelin, farriintii ugu dambeysay ee xalay la iisoo diray haddaad aragtaan waad yaabeysaan, waxaan aaminsanahay in aysan shabaab i dili karin, Ilaahay ayaa Qur’aankiisa ku sheegay cidna saacaddiisa saacad looguma darayo”.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo haatan soo muuqday isaga oo uu garab taaganahay wiilkiisa ayaa dadka qaar waxa ay rumeysanyihiin in ay jirto cabsi dhinaca amnigiisa ah. Axmed Kaboole oo arrintaasi markale ka hadlaya ayaa yiri “Madaxwenuhu waxa uu ku suganyahay furin dagaal, waxaa ku sugan ciidamo kala duwan, in si gaar ah looga war qabo amniga madaxweynaha, ama wiilkiisa ha noqdo ama cid kale oo uu ku kalsoonyahay ha noqoto muhiimaddu waxa ay tahay qanaacadiisa”.

Waxa uu sii raaciyay, “madaxweynuhu in uu wiilkiisa kamid noqdo garabkiisa oo la taagnaado qaabka ammaanka ama dowladnimada wax ceeb ah kuma aha, xitaa lagumasoo qaadi karo lagumana darin qaybaha musuq maasuqa ee sharciyada caalamiga ah”.

Qoyska madaxweynaha iyo hadal heynta ka dhalatay

Hore ayaa si weyn loo hadal hayay gabadha uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu magacaabo Jihaan Xasan Sheekh isla markaana kamid noqotay xogheyntiisa gaarka ah.

Jihaan ayaa ka soo muuqatay shaashadaha iyada oo sawirro kala duwan ku wehlisa aabbaheed marar kala duwan oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo lalahaa mas’uuliyiin kale oo caalami ah. Waxaa kamid ahaa shir uu New York u tagay madaxweynuhu billowgii sanadkaan.

Dad badan ayaa walwal ka muujisay in dadka aan madaxda dawladda qaraabada la ahayn ay ka niyad jabaan raadinta shaqooyinka dawladda, maaddaama ay u arkaan in fursado badan ay helayaan qaraabada mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay in caruurta ay dhaleen madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ay xaq u leeyihiin kamid noqoshada shaqaalaha dawladda.

- Advertisement -