Zelenskyy oo saacado gudahood saddex jeer booqday furumaha dagaalka (Sawirro)

Madaxweynaha Ukraine ayaa booqashadiisii saddexaad laba maalmood gudahood ku tagay jiidaha dagaalka ee ay ku dagaalamayaan ciidamadiisa iyo kuwa Ruushka, isagoo safar ku tagay gobolka Kherson ee Koonfurta oo lagala wareegay ciidamada Kremlin-ka.

Ukraine waxay dib ula wareegtay gacan ku haynta gobolka Kherson ee caasimadda gobolka, oo sidoo kale loo yaqaan Kherson, dhamaadkii sannadkii hore, iyada oo ka riixday ciidamadii Ruushka ee qabsaday magaalada toddobaadyo ka dib bilawga duullaanka buuxa ee Moscow in ka badan sannad ka hor. Webiga Dnieper ayaa hadda calaamad u ah safka hore ee gobolka, kaas oo wali qayb ahaan la haysto.

Intii uu ku sugnaa Kherson madaxweyne Volodymyr Zelenskyy waxa uu la kulmay saraakiisha ammaanka ee maxalliga ah, wuxuuna kormeeray kaabayaasha ay waxyeello u geysteen weerarrada Ruushka.

Arbacadii, Zelenskyy wuxuu booqday Kharkiv, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee waqooyi bari Ukraine. Ciidamadiisa  ayaa Kharkiv ka qabsaday Ruushka bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Arbacadii, Zelenskyy wuxuu la kulmay ciidamada gobolka Donetsk ee bari, isagoo booqday isbitaal si uu u arko askar dhaawac ah, wuxuuna abaal-marin dowladeed siinayay difaacayaasha Bakhmut, oo ah magaalo burbursan oo hadda calaamad u ah iska caabinta Ukraine ee ka soo horjeeda hamiga madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Ukrain ayaa hadda bilaabaysa in ay hesho hub casri ah oo ay ku jiraan taangiyo, kuwaas oo ay ka helayaan xulafadooda reer galbeedka, kuwaas oo sidoo kale tababara ciidamada Ukraine si ay u isticmaalaan.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Ukraine ayaa sheegay Khamiista in ciidamada Ruushku ay “daaleen” iyagoo isku dayaya inay qabsadaan Bakhmut.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -