Jubbaland oo War cusub ka soo saartay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada maamulkaas.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaanada Jubbaland kuwaasoo ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Kuwa xoogga dalka kuwaasoo saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 ka tirsan Al-shabaab Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxaha loogu yeeray Argagixisada.

Dhinaca kale, Waxaa golahu uu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’ada wadooyinka Jubbaland kaasoo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.

Wasaarada Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Jubbaland ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta Canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -