Taliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay

Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa isbadal weyn ku sameeyay qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada booliiska gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray taliyaha booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayuu xilka uga qaaday qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada booliiska degmooyinka gobolka Banaadir, halka kuwa kalana uu u bedelay degmooyin kale.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xilalka ka qaaday taliyaashii qaybta Waliyow Cadde ,qeybta Galbeed iyo sidoo kale qeybta Bari, waxa uuna u magacaabay taliyaal cusub qeybahaasi.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay taliyaha qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Caraale, taliyaha qaybta Bari Macallin Aadan iyo sidoo kale taliyaha qeybta Galbeed oo loo magacaabay Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin.

Isbadalkan lagu sameeyay taliyaasha booliiska saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadeysa xilli laguda galayo bisha Barakeesan ee Ramadaan oo inta badan falal ammaan darro ka dhacaan caasimadda Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -