Weerar culus oo saakay lagu qaaday Saldhig milatari iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya iyo dadka deegaanka kaga sugnaayeen degaanka Daaru-nicmo oo hoostaga degmada Runil-good ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidanka milatariga iyo ciidanka deegaanka ayaa wararku sheegayaan in ay iska difaaceen weerarkan culus oo Al Shabaab kusoo qaadeen, waxaana deegaanka Daaru-Nimca ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac khasaaro xooggan kasoo gaaray.

War kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay ku qaadeen deegaanka hoostaga Ruun-Nirgood ku dileen 20-askari oo katirsan ciidanka milatariga sidoo kale ku dhaawaceen toban askari oo kale.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan saakay lagu soo qaaday ciidanka huwanta ah ee ku sugan deegaanka Daaru-nimca iyo khasaaraha ka dhashay.

Al Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ku bilowda iyo kuwa kale oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ku qaada saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugan yihiin qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -