Mareykanka oo Shaaciyay in Dambiyo dagaal ka dhaceen Itoobiya fartana ku fiiqay cidda ka dambeesay

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada milateriga ee Ethiopia ee ENDF, ciidamada Eriteria, ciidamada xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu inay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Ethiopia.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay weriyayaasha in xubno ka mida ciidanka milateriga ee Ethiopia, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu inay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ku jiraan dilal, kufsi, iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah.

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu inay ku kaceen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ka mid yihiin, inay si khasab ah u sameeyeen masaafurin ama ay ku kaceen isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Go’aankan ayaa yimi ka dib safarkii uu toddobaadkii hore ku tegey wasiirku dalka Ethiopia, halkaas oo uu amaanay horumarka laga sameeyey hirgelinta heshiiskii nabadeed, hase ahaatee ka gaabsaday inuu dib u soo celiyo heshiiskii ganacsiga ee Maraykanka.

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed bishii November, taasoo soo afjartay colaad ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena ay soo waajaheen gaajo iyo barakaca malaayiin qof.

Afhayeenka xukuumadda Ethiopia Legesse Tulu oo laga dalbaday inuu ka jawaabo arrintin ayaan ka falcelinin, sidoo kale afhayeenka ra’iisal wasaare Abey Ahmed ayaan isaguna ka jawaabin arrintan.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada milaterige Ethiopia Colonel Getnet Adane, Wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Gebremeskel, afhayeenka TPLF Getachew Reda iyo afhayeenka xukuumadda gobolka Amxaarada Gizachew Muluneh ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo loo diray oo arrintan la xidhiidha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -