Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

Sharcigan Golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran Lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladnimadu u noqoto mid  ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Galmudug oo shaaciyey iney dib u qabsadeen degmada Guriceel

Caydiid Ali

RW Khayre oo ku dhawaaqay halka la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta & doorashada Galmudug

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Fariina u dirtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---