Maandooriye & raggii ka ganacsanayey oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Soomaaliyed gaar ahaan Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaada ka wada Howlgalka la dagaallanka Muqaadaraadka iyo Buracada hubaysan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ciidanku ay duleedka Degmada Kaaraan ku gubeen dhowr Juwaan oo iskuugu jira waxyaabaha maanka dooriya.

Waxyaabaha la gubay waxaa ka mid ah xashiishka, qamriga macmalka ah iyo dawooyin Drugs ahaan loo isticmaalo.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay ilaa lix Eedeysane oo gacanta ku hayay Muqaaadaraadkaan maanta la gubay.

Degmada Kaaraan ayaa waxay mudooyinkan ka qeyb aheyd degmooyin ugu liita dhinaca amaanka ka dib markii ay ku soo bateen ciyaar weerada iyo kooxaha maandooriyaha isticmaala kuwaasoo bulshada u geysta dil, dhac iyo dhibaatooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -