Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Dib u bilaabay Duulimaadka Diyaaradaha Daroonka ee Badda Madow

Talaadadii la soo dhaafay diyaarad ay Ciiddanka Cirka Maraykanka lahaayeen oo nooceedu ahaa Drone MQ-9 reaper lagu soo riday Badda Madow, haddana Milliteriga Maraykanka waxay shalay oo Jimco ahayd ay Diyaarad kale oo Basaas ah u direen Badda Madow.

Sida laga dheehday Websatyada la socda Dhaqdhaqaaqa Duullimaadyada Diyaaradaha waxaa Diyaarad Drone oo nooceedu ahaa RQ-4 Global Hawk oo Maraykanka laga leeyahay oo dul heehaabaysay Hawada Sare ee dalka Romania.

Diyaaradda Daroonka waxaa la sheegay inaysan marnaba u soo dhawaanin meel 100 KM u jirta Jesiieadda Crimea.

Talaadadii la soo dhaafay, 2 Diyaaradaha Dagaalka Raashiya ee Sukhoi-27 waxay diyaarad Drone oo Maraykanka lahaa ku soo rideen Hawada sare ee Badda Madow.

Wasaaradda Difaaca Raashiya waxay sheegeen inay Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa MQ-9 Reaper ay soo gashay gudaha Hawada laga mamnuucay Diyaaradaha, lana soo riday.

Shilkaasi waxa uu ka dhacay meel 60 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan magaallada Dekedda leh ee Sevastopol ee ugu ballaaran ee Jesiiradda Crimea ee dacalka ku haysa Badda Madow.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hooyadiis ku dilay Kismaayo oo maanta xukun dil ah lagu fuliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaalka Ukraine oo laga cabsi qabo inuu yeesho weji kale ka dib markii..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii lagu hoobtay ee Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---