Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray geeri ku timid Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Maxamuud Maxamed uu door weyn ka soo qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, madaama uu muddo dheer ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka.

“Inna lillaahi wa inna ilayhi raajicuun, Alle ha u naxariisto marxuum Maxamuud Maxamed Seysey, oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS, waxa uu kaalin mugleh ka soo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyees ee uu ka geeriyooday.

Related posts

Gaari nooca xamuulka ah oo dad badan ku laayey isgoys ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweynaha Hirshabelle oo saxiixay xeer ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka hadlay muhiimada ay leedahay gurmadka shacabka Turkiga

Caydiid Ali