Cabdullaahi Gaduudow oo ka badbaaday Qarax lagu dili rabay iyo Wiil uu dhalay oo…

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii halkaasi uu ka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fog fog.

Qaraxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee guriga uu Wanlaweyn ka degan yahay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda Wanlaweyn Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow) , qaraxa ayaana dhacay xilli Gaduudow gurigiisa sii galayay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay wiil uu dhalay Guddoomiye kuxigeenka Wanlaweyn Cabdullaahi Gaduudow, waxaana qaraxa dhaawac fudud kasoo gaaray guddomiye kuxigeenka iyo mid kamid ah ilaaladiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kaddib sameeyay baaritaano lagu baadigoobayay ragii qaraxa ka dambeeyay, lamana soo sheegay cid loo qabtay qaraxaasi uu ka badbaaday guddoomiye kuxigeenka Wanlaweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -