Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka 49-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibada OIC (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa ee dalka Mauritania kaga qayb galay shirka 49-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkaasi oo ka dhacay magaalada Nouakchott waxaa mudada uu socdo looga hadli doonaa arrimo la xiriira amniga  iyo Xasiloonida dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac (huruuse) ayaa sidoo kale kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dalkaasi iyo kuwa ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Abshir Cumar Jaamac (huruuse) ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, taasoo uu kaga hadlayo xaalada Somalia iyo horumarka laga gaaray Nabada iyo dowlad wanaaga.

Shirka ayaa la filayaa in gebagebadiisa laga soo saaro War murtiyeed looga hadlayo qadiyadaha iyo dhibaatooyinka ka taagan qeybo ka mid ah dunida muslimka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Wadatashiga oo maanta ka furmaya Madaxtooyada iyo Qodobada looga hadlayo

Cabdi Cade

Odayaashii u xirnaa heshiiska Al-shabaab oo Magalada Muqdisho loo soo wareejiyey

Caydiid Ali

AMISOM oo cabsi owgeyd wax uga badashay Istaraatijiyadii dagaalka Al Shabaab

Cabdi Cade