Isbitaalkii degmada Baardheere oo ku burburay qaraxii ka dhacay (Daawo Sawirro)

Qarax saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa burbur iyo khasaare xooggan uu ka soo gaarey isbitaalka degmadaas.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray Guriga martida ee magaalada Baardheere oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin kala duwan, waxaana ku dhaawacmay Gudoomiyihii gobolka Gedo iyo xubno kale halka askar ka tirsan ilaalada gurigaasna ay ku dhinteen.

Shaqaalaha Caafimaadka ayaa sheegay in Xiliga qaraxu dhacayey Isbitaalka ay jiifeen bukaano kala duwan, balse aysan jirin dad ku dhaawacmay.

Dhismaha Isbitaalka ayaa waxaa ka muuqda burbur aad u xooggan iyadoo khasaare culus uu soo gaaray qalabkii uu ku howlgalayey isbitaalka oo ku yaalla meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu ka dhacay qaraxa.

Masuuliyiinta isbitaalka ayaa sheegay in burburka iyo khasaaraha gaaray isbitaalka awgeed ay hakad galeen adeegyadii Caafimaad ee uu bulshada u fidin jiray, ayna dayactir xoogan u baahan yihiin dhismaha iyo qalabka Isbitaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -